1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 5 , 2023
Waare: Wasiirka gaashaandhiggu amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure
 

Talaado, September, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare,  ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdiqaadir Maxamed Nuur, inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ku dhintay weeraradii ka kala dhacay magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne.

Maxamed Cabdi Waare, oo haatan ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha, wuxuu sheegay, wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, lagu laayay ciidamo iyo saraakiil.

Waare wuxuu sidoo kale sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay talooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, kuwaaas oo ku taliyay in aan ciidamada la dejin meelaha lagasoo weerari karo, islamarkaana aysan ka heli karin gurmad ciidan.

Wuxuu sheegay amarkii ugu dambeeyay ee ciidamada lagu dajiyay Cowswayne inuu lahaa wasiirka, xilli uu sheegay in taliyayaasha xoogga ku baaqayeen in ciidamadu ku socdaan saf ballaaran, si ay isku garab sadaan.

Waare wuxuu sidoo kale sheegay in xog qaldan uu bixiyay dhawaan ay naftooda Halis ku gashay Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute.

“Wasiirka gaashaandhiggu amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure... lacago ayuu siin jiray Taliyaal urur, Taliyaal Horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray, waliba halis ayuu galiyay Mahad Salaad iyo Shuute,”ayuu yiri madaxweyne hore Waare.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay beesha Hawiye in  dagaalka Alshabaab aysan diyaar u ahayn. wuxuu sheegay qabaa’ilada Hawiye in aysan mowqif mid ah kalahayn dagaalka Alshabaab iyo qofkii la qabto oo Shabaab ah sida laga yeelayo.

“Dad inay yiraahdaan wiilkii ila dhashay ee Shabaabka ahaa ayaan qooraha & Madaxa kasoo jaraynaa,  dadna ninkii qaraxyadii lagu xasuuqmay ka dambeyay oo saraakiil dilay in ay isku sawiraan yiraahdaan anigaa wasiirkiisa & xildhibaankiisa ah ,,, dadkaas miyaa isku mid noqon kara oo daacad ay ka wada tahay la dagaalanka Khawaariijta,, ayuu yiri Waare.

Waare wuxuu ku taliyay haddii la doonayo in dagaalka Alshabaab laga gaaro guul, in qabaail kaste uu si gaar ah uga arrinsado arrintaas islamarkaasna ay mowqif midaysan ka qaataan waxa ay ka yeelayaan qofkooda Shabaabka ah.  

Wuxuu madaxweynaha ugu baaqay inuu si gaar ah isha ugu eego kuwa uu ku tilmaamay inay fashiliniyaan dadaalkiisa ku aadan dagaalka Alshabaab. Wuxuu sheegay joogitaankiisa furimaha dagaalka in aanay waxba soo kordhinayn haddii uusan wax ka beddelin sida ay hadda wax ku socdaan.