9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2023
Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto daldaloolada dhimista ciidanka ATMIS

Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Golaha nabada iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weeraradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ka geysteen Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho badan iyo dhaawac.

War saxaafadeed kasoo baxay golaha nabada iyo amniga Midowga Afrika ayaa hoosta looga xariiqday in al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

“Golaha nabada iyo amnigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa weerarradii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, oo sababay dhimasho dhowr ah iyo burburka xarumaha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo hoosta ka xariiqaysa xaqiiqada ah in Al-Shabaab ay weli khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war murtiyeedka Golaha Midowga Afrika u qaabilsan nabada iyo amniga.

Goluhu wuxuu walaac ka muujiyay in Al-Shabaab ay ka faa'ideysan karto daldaloolo kasta inta lagu jiro ama ka dib dhimista 3000 oo askari oo katirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, haddii aan si miisaaman loo maamulin howsha dhimista.

Midowga Afrika waxa uu ku celiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo guulaha nabadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay dalka ka saaraan 3000 askari, si loo fuliyo qaraarka golaha ammaanka ee sheegaya dhimista howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.

Waxa uu bogaadiyay Dowladda fedeaalku sida joogtada ah ee ay ugu hawlan tahay lahaanshaha iyo hoggaaminta buuxda ee howlgallada xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta deegaannadii la xoreeyey.












Click here
9/18/2023 3:40 PM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliyayaal cusub oo katirsan ciidanka xoogga dalka, si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

9/18/2023 11:11 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka bilowday meel u dhaw xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maleeshiyada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya.

9/18/2023 11:08 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya qarax xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo maanta dhacay gobolka Gedo.

9/18/2023 9:25 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

9/18/2023 8:36 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay inuu ku guul daraystay inuu Puntland u horseedo hannaan dowladnimo oo sal adag leh.

9/18/2023 5:42 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - 2 caruura oo da'adoodu u dhaxayso 10 jir iyo 12 jir ayaa ku geeriyooday gurigooda oo uu dab qabsaday magaalada Burco shalay galabtii.

9/18/2023 1:45 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa beenisay guulo kooxda Al-shabaab ay ka sheegatay dagaal Shalay galinkii hore ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

9/18/2023 1:15 AM EST
Isniin, September, 18, 2023 (HOL) - Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee ka howlgalla degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya ciidanka Dowladda Soomaali ay dileen in badan 55 ka tirsan kooxda Alshabaab.