9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Dagaal saacado badan qaatay oo gobolka Bakool ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab
 

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Booco oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya oo ku socday degmada Waajid ay weerar dhabagal ah la eegteen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay saacado badan, kaasoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay deegaano ka fog fog goobta uu dagaalka ka dhacay.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka deegaanka Booco ku dhexmaray ciidamada Militariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka dhinacyada saakay ku dagaalamay deegaanka Booco ee gobolka bakool iyo waliba maamulka gobolka Bakool oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaaalka.

Deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha wali ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab oo haatan inta badan laga soo fara maroojiyay inta badan deegaanadii ay kaga sugnayeen gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Dhexe.












Click here
9/17/2023 10:53 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee ururka G77+China oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

9/17/2023 10:23 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya dib u eegistiisii 6-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee hannaanka IMF ee loo yaqaano (ECF).

9/17/2023 7:51 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallada dalka ka socda ee Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

9/17/2023 6:40 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan shirka QM.

9/17/2023 1:20 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Ciidanka Xogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.