9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeeladda dhexe

Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay shaacisay tirada horjoogeyaal Alshabaab ah oo ku geeriyooday hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka ka fuliyeen deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood.

Howlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noohada kaas oo ay saarnaayeen sida ay dowladdu sheegtay, horjoogeyaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Alshabaab, iyada sheegtay in horjoogeyaasha Alshabaab lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Waa kuwaan qaar kamid ah magacyada horjoogayaasha Shabaab ee Dowladdu sheegtay in lagu dilay howlgalkii Gumarka Cosobow Cali.

1. Salaad Dheere, horjoogaha lahaa go’aanka jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.

2. Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Shabaab ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.

3. Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo Shabaabka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.

4. Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa sida ay dowladdu sheegtay, horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale ka hawlgali jiray Galgaduud.

5. Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Shabaab ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.

6. Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Shabaab ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha Alshabaab.

7. Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha loogu yeero gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Alshabaab isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.













Click here
9/15/2023 11:23 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa galabta weerar culus kusoo qaaday degaanka Ceel la helay ee gobolka Galaduud, halkaas oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka.

9/15/2023 10:10 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay qaado doonto talaabo ay xuduudaheeda ku sugayso.

9/15/2023 5:19 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa beeniyay warar sheegayay inuu ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday degaan uu ku sugan yahay oo lagu magacaano Laas-gacameey oo katirsan degmada Bacaadweyne.

9/15/2023 4:38 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka oo booqasho ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa xaqiijiyay in magaaladu tahay nabad iyo xasilooni, iyagoo ugu baaqay hay’adaha samafalka inay ka howlgallaan.

9/15/2023 3:37 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw- Cali Fidhiye ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in degaankiisu uu helo xaquuqdiisa Soomaalinimo.

9/15/2023 2:21 AM EST
Jimco, September, 15, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa saakay waaberigii gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ku weerartay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa degaanka Laas-gacamey oo katirsan degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.