9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee u taagan tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo ka hadashay rajadeeda
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadashay waxyaabaha ku dhaliyay iney u tartanto qabashada xilka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo sanadkaan ay u tartamayaan 4 gabdhood oo Afrika kasoo jeeda.

Xildhibaan Marwo Bashiir oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegay iney tahay gabar khibrad ku filan leh, taasina ay keentay iney isu soo taagto tartankaan, islamarkaana ay ka mid noqotay afar gabadhood oo laga soo xushay dhamaan gabdhahii codsiyada wada dirsatay.

"Aniga waxaan arkay inaan qaban karo xilkaan Alle ayaa igu soo duway, shaqsi ahaana waxaan ahay ruux qibrad fican leh oo u qalanta in booskan ay u tartanto" ayay tiri Xildhibaanad Marwo Bashiir.

Xildhibaanad Marwo ayaa sidoo kale sheegtay in rajada ay ka qabto iney ku guuleysato tartankaan uu yahay mid aad u wanaagsan, iyadoona xustay in dalal badan ay ka heysato rajooyin wanaagsan oo ay ku taageerayaan olalaheeda, sida dalka Jabuuti iyo dalal kale oo ka tiraan kuwa jaamacadda carabta, waa sida ay hadalka u dhigte Xildhibaanad Marwo.

"Ololaha waxaa ila qabanayay Soomaali oo dhan, meelkasta oo ay joogaan. Dabcan Djibouti waa waddankeygii koobaad, maadaama aan Af Soomaali ku wada hadlayno rajadeena aad ayay u fiicanntahay" ayay tiri Marwo Bashiir.

Si kastaba ha ahaatee sanadkaan waxaa qabashada xilka madaxweynaha ee Baarlamaanka Adduunka, si gooni loogu xiray haweenka Africa, taasoo fursad gooni ah siiyay gabdhaha Xildhibaanada ah ee Marwo ka mid tahay Marwo iney usoo istaagaan tartankaan.

Afarta gabdhood ee u tartami doona xilkaan ayaa kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Senigal, Tanzania iyo Malawi.

Gabagabadii kulankii Shalay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadu waxay ku ogolaadeen in gunooyin ay ka jaraan mushaarkooda oo ay ku garab istagaan Xildhibaanadda u taagan tartanka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka Xildhibaanad Marwo Bashiir.












Click here
9/14/2023 1:28 PM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano.

9/14/2023 10:52 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Iyadoo todobaadkaan gudahiisa dalalka Liibiya iyo Maroco ay ka dhaceen Musiibooyin kala duwan oo sababay dhimashada kumaan ruux ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya waxay ka warbixisay xaaladda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaas.

9/14/2023 7:10 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya in aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

9/14/2023 5:55 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah waxay 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo basaasiin u ahaa kooxda Alshabaab.

9/14/2023 2:19 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

9/14/2023 1:50 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan.

9/14/2023 1:32 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo Waraysi siiyay SOMALI TV OF MINNESOTA ayaa ka hadlayay xaaladihii kala duwanaa ee ururku soomaray, iyo waliba wakhti xaadirkan xaaladda uu ururku taagan yahay iyo qodobo kale.