9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo xabsi 15 sano ah ku xukuntay labo nin oo basaas u ahaa Shabaab
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah waxay 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo basaasiin u ahaa kooxda Alshabaab.

Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed  Qoslaaye, kuwaas oo Alshabab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii, ayaa xeer ilaalinta maxkamadda waxay sheegtay in ay ahaayeen Jawaasiis soo hubiyo dilalka iyo weerarada ka dhaca Muqdisho illaa iyo Ceelasha.

Labadaan nin ayaa kamid ahaa dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriyaha sida Xashiishka.

Axmed Xasan Baariyow oo shaqadan soo hayay muddo 10 sano ah ayaa xeer ilaalinta maxkamaddu sheegtay inuu Qoslaaye ku qanciyay inuu la qabto shaqadan.

Hay’adaha sirdoonka ee dowladda ayaa horey u sheegay in Alshabaab ay adeegsadaan dadka maandooriyaha isticmaala, iyagoo uga faai'daysanaya daruufaha ay ku sugan yihiin.












Click here
9/14/2023 1:28 PM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano.

9/14/2023 10:52 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Iyadoo todobaadkaan gudahiisa dalalka Liibiya iyo Maroco ay ka dhaceen Musiibooyin kala duwan oo sababay dhimashada kumaan ruux ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya waxay ka warbixisay xaaladda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaas.

9/14/2023 9:57 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadashay waxyaabaha ku dhaliyay iney u tartanto qabashada xilka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo sanadkaan ay u tartamayaan 4 gabdhood oo Afrika kasoo jeeda.

9/14/2023 7:10 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya in aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

9/14/2023 2:19 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

9/14/2023 1:50 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan.

9/14/2023 1:32 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo Waraysi siiyay SOMALI TV OF MINNESOTA ayaa ka hadlayay xaaladihii kala duwanaa ee ururku soomaray, iyo waliba wakhti xaadirkan xaaladda uu ururku taagan yahay iyo qodobo kale.