9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2023
ONLF " Yoolkii Aayo ka talinta iyo Madax banaanida wax yar ayay noo jirtaa"
 

Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo Waraysi siiyay SOMALI TV OF MINNESOTA ayaa ka hadlayay xaaladihii kala duwanaa ee ururku soomaray, iyo waliba wakhti xaadirkan xaaladda uu ururku taagan yahay iyo qodobo kale.

Afhayeenku waxa uu ugu horreyn ka hadlay in mawqifkii ay ONLF markii hore udagaallamaysay ee ahaa aayo katalinta shacabka degaanka Soomaalida aysan waxba iska badalin, haatan oo ururku qorigii uu ku dagaallamayay u baddalay inuu qalin ku halgamo, oo xuquuqdii shacabka iyo halgankii siyaasadeed ee ururku uu si nabad ah ugu halgamo gudaha degaanka Soomaalida.

"Waxaanu u dagaallamaynay in dadkayagu aayihiisa ka tashado oo la waydiiyo halkii uu ku biirayo in uu Itoobiya lasii noolaan karo, in Soomaaliya uu ku biirayo, in Kenya uu ku biirayo iyo inuu iskii gaar u istaagayo, Wadadii aayo ka talinta waanu ku taaganahay, yoolka aayo ka talintana iyo Madax banaanidana wax yar ayay noo jirtaa, haddii maanta aanaan Calankii taagin waxaa nootaagan wixii Aasaas u ahaa Calanka", ayuu yiri Afhayeenku.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in ONLF ay mar walba diyaar u tahay inay nabad ku halganto oo xuquuqda ka maqan ay nabad kusoo dhacsato, waxa kale oo uu sheegay Afhayeenku in wali shacabka uu dareemayo dulmi kaga imaanaya dhinaca dowladda Itoobiya, balse wali ONLF ay xeerinayso oo ay diyaar u tahay Nabadda, waa siduu hadalka u dhigay Caddaani hirmooge Afhayeenka ONLF.

Gabagabadii, Afhayeenku waxa uu Shacabka degaanka Soomaalida ugu baaqay inay garab istaagaan oo ay taageeraan ONLF, oo uu sheegay Afhayeenku inay u taagan tahay sidii ay usoo dhicin lahayd xuquuqda Shacabka degaanka Soomaalida kaga maqan dowladda Itoobiya, isla markaana Shacabku u gaari lahaa sidii uu aayihiisa ooga talin lahaa, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge.













Click here
9/14/2023 1:28 PM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaaray Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano.

9/14/2023 10:52 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Iyadoo todobaadkaan gudahiisa dalalka Liibiya iyo Maroco ay ka dhaceen Musiibooyin kala duwan oo sababay dhimashada kumaan ruux ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya waxay ka warbixisay xaaladda Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaas.

9/14/2023 9:57 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadashay waxyaabaha ku dhaliyay iney u tartanto qabashada xilka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo sanadkaan ay u tartamayaan 4 gabdhood oo Afrika kasoo jeeda.

9/14/2023 7:10 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay dowladda federalka Soomaaliya in aysan istaraatiijiyad ka lahayn dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

9/14/2023 5:55 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah waxay 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo basaasiin u ahaa kooxda Alshabaab.

9/14/2023 2:19 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

9/14/2023 1:50 AM EST
Khamiis, September, 14, 2023 (HOL) - Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda Al Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan.