9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 13, 2023
Somaliland oo ka warbixisay meelaha ay ka yimaadeen argagixisadii ay sheegtay in ay Laascaanood soo galeen

Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Somaliland oo markale ka hadashay kooxihii xagjirka ahaa ee ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, ayaa sheegtay in ay ka yimaadeen badhtamaha Soomaaliya, Puntland iyo Buuhoodle.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha, ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah kooxahani ay kasoo dageen buuralayda Galgala ee Puntland, halka qaarna ay ka yimaadeen gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii dagaalo halka ka dhacay lagu jabiyay, iyo qaar ay sheegeen in uu xukumo Cabdimadoobe oo ah sarkaal reer Buuhoodle ah.

Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay yimaadeen gobolka Sool.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadaysaa tallaabooyin dawladdimo oo lagu xaqiijinayo amniga shacabka Laascaanood Iyo Buuhoodle, kuwaasoo ay ku soo duuleen kooxaha argagixisada ah, huwanta iyo Maamulka Goboleedka Pundland ee Soomaaliya, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo afjaraysaa duulaanka lagu soo qaaday Xuduudeheeda iyo shacabkeeda" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Hadaba, SSC Khaatumo oo dhankeeda ka jawaabtay sheegashada Somaliland 11 bishan, ayaa ku micnaysay sheegasho anay waxba ka jirin, oo ay Somaliland ugu gogol xaadhyso duulaan ay ku qaado Laascaanood.












Click here
9/13/2023 2:17 PM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, ayaa ka digay dagaal ay Somaliland ku qaado Laascaanood, isaga oo sheegay in hadii ay dhacdo Somaliland cawaaqib xun kala kulmi doonto.

9/13/2023 11:05 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay muhiimtahay in Somaliland tagto xuduudii Ingriiska.

9/13/2023 10:22 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab lagu dilay howlgalo ay iska kaashadaan ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

9/13/2023 9:39 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Ceel garas iyo Ceel lahelay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogahooda.

9/13/2023 7:30 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa soo dhoweeyay magacaabidda xog- hayayaasha cusub ee SSC-Khaatumo.

9/13/2023 6:58 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal saakay ka dhacay degaano katirsan gobolka Baay lagu qaarijiyay madaxii kooxda Alshabaab u qaabilsan arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale.

9/13/2023 2:47 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay qarax ku burburiyeen Ceel biyoodkii ugu weyna deegaankaas.

9/13/2023 2:18 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo saakay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

9/13/2023 1:29 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Shabaab ee lagu dilay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka dowladda oo garab ka helaya Saaxiibada Caalamka.

9/13/2023 1:20 AM EST
Arbaco, September, 13, 2023 (HOL) - Maamulka goboleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degaanadii dhawaan laga xoreeyay ee gobolka Galgaduud.