12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2023
Golaha Ammaanka oo cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya
 

Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023.

Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wadajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya.












Click here
11/20/2023 9:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta degmada Dooloow ee gobolka Gedo u tagay u kuur galida xaaladaha Bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka roobabka ka da'ay degmadaas iyo nawaaxigeeda.

11/20/2023 3:55 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ku yaala dhinaca Galbeed ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab.

11/20/2023 3:32 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Caasimadda dalka ingiriiska oo uu ka qeyb galayo shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

11/20/2023 3:23 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

11/20/2023 1:36 AM EST
Isniin, November, 20, 2023 (HOL) - Waxaa socda dadaalo loogu jiro sidii looga hortagi lahaa colaad ka dhacda magaalada Garowe, xilli magaalada ay dad badani ka qaxeen xalay illaa iyo shalay.