12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab oo lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyn
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo bandhigay boqolaal ciidamada deegaanka ah oo loo diyaariyay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ciidamadaan oo ah kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa ku biiraya ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka culus kula jira sidii Al-shabaab ugu xureyn lahayeen guud ahaan dalka.

Saraakiil u hadashay ciidamadaan ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku garab is taagayaan ciribtirka kooxda Shabaab.

Si kastaba ha ahaate deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug waxaa wali ka socda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in dagaalkaasi mudada ay socdaan in Shabaab awood looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo ay ka mid tahay Bacaadweyn.













Click here
11/18/2023 11:12 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay saameynta ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne.

11/18/2023 3:58 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

11/18/2023 3:46 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

11/18/2023 2:13 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo geystay khasaare badan oo Xalay ka kacay suuqa Xamarweyne, gaar ahaan qeybta Masjidka Marwaas, kaasoo markii dambe ku fiday qeybo kale oo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo Suuqa Hilibka.

11/18/2023 1:57 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa geeriyooday kadib markii ay ku qarqoomeen bada Berbera shalay galabtii.

11/18/2023 1:24 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.