12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2023
Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca dadka ku dhex go'doosan xaafadaha Baledweyne

Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa kor u sii kacay heerka biyaha wabiga Shabeelle ee ku fatahay biloowgii todobaadkaan dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Kororka biyaha wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii saacadahii lasoo dhaafay roobab xoogan ay ka da'een deegaanada dhaca dhinaca Waqooyi ee magaalada Baledweyne, islamarkaana waadiyaasha ay kusoo shubeen daadadka ka dhashay roobabka Wabiga Shabeelle.

Waadiyaal dhowr ah oo ku kala yaala deegaanada kala ah Ceelgaal, Qowlad, Ilkacade iyo Feerfeer ayaa ku soo shubay biya farabadan wabiga Shabeelle.

Roobabkan daadadka badan ka dhasheen ayaa kusoo beegmaya, iyadoo rajo badan laga qabay in biyaha wabiga Shabeelle nafis laga dareemo saacadaha soo socda, hayeshee waxaa arintaasi meesha ka saaraya roobabka xoogan ee wali ka da'aya gudaha dowlad deegaanka Itoobiya iyo deegaanada hoos yimaada Baledweyne.

Roobabka wali da'aya ayaa sii kordhinaya cabsida iyo walaaca dadka ku dhex go'doonsan gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Fatahaada Baledweyne Ku dhufatay 12-kii bishaan ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux.












Click here
11/16/2023 9:57 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ka wadahadlay sidii si wada jira Somaliland loogu difaaci lahaa, iyo in la dardar galiyo geedi socodka doorashooyinka.

11/16/2023 9:01 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Xulka kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa Caawa 07:00 Fiidnimo la ciyaari doona Xulka qaranka dalka Algeria kulan ka tirsan isreeb reebka Qaaradda Afrika ee koobka Kubada Cagta Adduunka sanadka 2026.

11/16/2023 8:30 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Hay’adda ka hortagga masiibooyinka qaranka ee SOMDA ayaa qeylo dhaan xooggan ka soo saartay khatarta roobabka mahiigaanka ah ee lagu wado in ay ka da’aan gobollada dalka toddobaadka soo socda, sida ay muujinayso saadaasha hawada ee ugu dambeysay.

11/16/2023 4:07 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Golaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyey qaraar lagu kordhinayo oggolaanshaha Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) muddo lix bilood ah oo ah illaa 30-ka June, 2024-ka.

11/16/2023 1:45 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya dalka.

11/16/2023 12:43 AM EST
Khamiis, November, 16, 2023 (HOL) - Dowladdaha Soomaaliya iyo Burundi ayaa si wadajir ah usoo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob, kadib safar shaqo oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalkaas.