12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2023
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo Baydhabo u taqay qiimeynta dhibaatada daadadku geystaan

Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si ay uu ugu kuur galaan xaaladda dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ah ee El-nino.

Wafdiga Raysal wasaare ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiin ka socda hay'adda SODMA, hay'addaha gargaarka iyo saaxiibada Caalamiga ah, kuwaas oo booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo waliba meelaha ay ku barakaceen dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo wafdigiisa oo kulan kula qaatay gudaha magaalada Baydhabo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa faray dhinacyada kala duwan ee uu kulanka la qaatay iney mideeyaan dhamaan dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka biyuhu saameeyeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay Raysal wasaare k xigeenka Saalax Axmed Jaamac in loo baahan yahay in laga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo qurba joogta inay u soo gurmadaan dadka dhibaataysan oo ay roobabka iyo fataahadahu saameeyeen.












Click here
11/14/2023 6:40 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta oo talaado ah waxay soo saareen jadwalka doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada, iyagoo sheegay in ay ka ambaqaadayaan go’aankii kasoo baxay shirkii golaha Isimada.

11/14/2023 6:31 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabid, xilka qaadis iyo isku badal ku sameeyay golihiisa xukuumada.

11/14/2023 4:26 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saadacahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

11/14/2023 3:52 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed.

11/14/2023 1:10 AM EST
Talaado, November, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali oo katirsan golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo, ayaa sheegay in ay ciidamada SSC ku fasixi doonaan inay gudaha u galaan degaanada Somaliland.