4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay waxa ka jira in qaar kamid ah xubnaha jirkiisa lagala baxay askari tababar loogu qaaday Uganda
 

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa beenisay in qaar kamid ah xubnaha jirkiisa lagala baxay askari katirsanaa ciidan tababar loogu qaaday dalka Uganda oo halkaas ku geeriyooday.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in qalliin lagu sameeyay jirka askariga geeriyooday uu ahaa qalliin lagu baarayay sababa uu u geeriyooday.

Wasiirka waxa uu sheegay in askarigaan uu xanuusansaday isagoo tababarka ku jira, kaddibna la dhigay isbitaal kuyaala Kampala, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Wuxuu sheegay wasiirku iyadoo laga tixraacayo nidaamka caalamiga ah, in ay Dowladdu dalbatay in baaritaan lagu sameeyo maydka askariga ka hor inta dalka lagu celin oo la aasin, si loo ogaado waxa sababay geeridiisa.

“Qofka waxaa lagu qasban yahay in jirkiisa la jeexo si loo xaqiijiyo waxa geeridiisa sababay. Report-kiisii iyo faysalkiisii oo ay ku jiraan asbaabta uu u geeriyooday iyo maydkiisa ayaa la diyaariyay, kadibna dalka ayaa loosoo qaaday. Waxaan u malaynayaa in qalliinkii si qaldan loo fasiray oo koleyba faamilkiisa loo war xumo tashiiliyay,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.”

Wasiirka wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka suurtoobin in qof ay masuul ka tahay ka suurto gasho waxaas. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horey ciidamo ugu dirtay Uganda iyo dalal kale islamarkaana aysan ka dhicin waxyaabahaas oo kale.