4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Dad ka cadhaysan dil dhawaan loo gaystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland oo Borama iskugu soo baxay
 

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Dadwayne ka cadhaysan dilka sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xeebaha Somaliland oo dhawaan askari kale ku dilay magaalada Lawyacaddo, ayaa mudaharaad rabshado wata ka dhigay Borama.

Inkasta oo askarigii dilka gaystay shalay lagu xukumay dil toogasho ah, hadana mudaharaadayaasha ayaa dalbanaya in dhakhso loo fuliyo xukunka dilka ah.

Mudaharaadayaasha ayaa weeraray xarumaha xukuumada ee gobolka Awdal, iyaga oo xidhay wadooyinka qaarkood ee magaalada, iyaga oo gubaya taayiro dhagaxaana tuuraya.

Badhasaabka gobolka Awdal iyo maayarka degmada Borama oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dadka been loo sheegay oo lagu yidhi lama fulinayo dilka, isla markaan ay mudaharaadayaan dad aan ahayn ehelka askariga la dilay.

"Ma aha dadkii ehelka ahaa waakan Axmed Daa'uud halkan ayuu nala joogaa, inamadii wiilka ay wada dhaasheen way nala joogaan, waa dad kale oo muraad kale leh" Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Cali Tiimbaro, ayaa sida yidhi.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad ku dhaawacmay mudaharaadka inkasta oo aan hada si madaxbannaan loo xaqiijin karin tiradooda.