4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo ka hadlay cabsida laga qabo inuu fataho Wabiga Shabeelle
 

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walalka ay ka qabaan shacabka reer Baledweyne inuu ku fataho Wabiga shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka bad qabeen afartii sano ee lasoo dhaafay inuu fataho.

Cabsida iyo walalka dadka reer Baledweyne ayaa timid kadib markii si aad ah ay u kordheen qulqulka biyaha wabiga ee ka imaanaya dhanka dalka Itoobiya iyo roobabka gu’ga ee xilligan ka da’aya dalka Itoobiya oo lasoo warinaayo inuusan kala go' laheyn.

Heerka cabirka biyaha wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne ayaa gaaray halkii ugu sareysay ee lagu yaqaanay biyabaxada iyo inuu karkaarada jabsado wabiga, hayeeshee waxaa taasi looga badbaaday dadaalo biyo xireeno ah oo ay hirgaliyeen guddiga ka hortaga fatahaadaha Baledweyne sanadahii lasoo dhaafay.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow Haruur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in biyo xoog lihi ay xilligan ka imaanayaan dhanka dalka Itoobiya oo uu tilmaamay in tahay waxa keenay cabsida ugu weyn.

“Biyaha waa biyo aad u badan, Magaalada Baledweyne saddex sano illaa afar sano dadku waa deganaayeen, biyahaasi biyahaan oo kale ma dhameen. Biyahaan hadda la sheegayo ee xagga Itoobiya ka soo socdo ama na soo gaaray, waa biyo aad u farabadan, illaa Ramadankii biyo aad u farabadan ayaa magaalada yimid, wayna gudbeen, magaaladuna ma barakacin" ayuu yiri gudoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadaha Baledweyne Xaajis Dhagaxoow.

Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha in cabsida ugu weyn ee dadku qabaan ay tahay in wabiga uu ka fataho dhanka biyo xireennada Hoodley, Bilisdiid iyo Raadeerka guddigana ay u diyaarsan yihiin meel walba oo culeyska biyaha laga soo sheego iney wax ka qabtaan.

“Cabsida keliya ee dadku muujinayo waxaa weeye, waa dhinacaan Hilakelyo ka sokeeyo ee Hoodley, laabka Bilisdiid iyo meesha Raadeerka hoostiisa. Biyo badan oo xad dhaaf ah ayaa ku xiran oo maraya, waxaana dhici karta si kedis ah xoogaa yar inay hal meel ka soo go’aan biyuhu. Dadku cabsidaas ayay qabaan maahee, dhinacyada kale cabsi weyn kama qabno" ayuu yiri gudoomiye Xaaji Cismaan Dhagaxoow.

Gabagabadii guddoomiyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay iney jirto rajo ah 64 biyo xireen oo ay ka sameeyeen gudaha iyo daafaha magaalada iney hoos u dhigi karto cabsida laga qabo inuu wabiga ku fataho Beledweyne.