4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 8 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo dalka dib ugu soo celisay 93 muwaadin oo kasoo cararay dalka Suudaan

Isniin, May, 8, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Xalay markale dalka keentay 93 ruux oo ka mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Suudaan.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Wasiiradda Wasaaradda Gaadiidka, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo galootiga ayaa muwaadiniintan kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaarad qaas ah ayaa la sheegay in muwaadiniintan ay kasoo qaaday dalka Koonfurta Suudaan, taasoo Xalay si toos ah uga soo dajisay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shalay Galabtii ayay aheyd markii muwaadiniin la mid ah kuwaan ay dowladda dalka dib ugu soo celisay, kuwaas oo tiradoodu gaareysay 137 ruux oo 73 ka mid ah Muqdisho la keenay, halka 64-ta kalana la geeyay magaalada Garoowe, taasoo tirada guud ee muwaadiniinta Xalay iyo Shalay Galab dalka dib loogu soo celiyay ka dhigeysa 230 qof oo isugu jira haween, carruur iyo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ka soo barakacay Colaada ka taagan dalka Suudaan.