4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 7 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo Maanta dalka dib ugu soo celisay Muwaadiniin kasoo carartay Colaada Suudaan

Axad, May, 7, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta dalka dib loogu soo celiyay 137 Muwaadin oo kasoo cararay colaada ka jirta magaalada Khartuum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha u qaabilsan soo galootiga ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 73 qof, halka 64 qof oo kalana ay diyaarada ku dajisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibdda Soomaaliya Xamsa Aadan Xaadoow ayaa soo dhoweynta Muwaadiniinta kadib sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaareyso dadaalada dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniinta ka carartay dagaalada ka socda dalka Suudaan.

Ayaan Maxamuud Sheekh oo ah ku simaha Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itobiya ayaa maanta warbaahinta u sheegtay in Muwaadiniin gaaraya 1250 ruux ay safaaraddu ka soo gudbisay xadka ay wadaagaan dalalka Suudan iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxay horay sidaan oo kale dalka dib uga soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Suudaan, kuwaas oo ay ka dajisay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho.