4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo guddi u magacaabay kasoo talo bixinta wax ka beddelka dastuurka Puntland
 

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddi shan xubnood ka kooban oo kasoo talo bixiya wax-ka bedel lagu sameynayo dastuurka.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu usoo gudbiyay soo jeedinta ku saabsan in dastuurka wax laga beddelo.

Guddigan uu magacaabay ayaa waxay falanqeyn ku sameyn doonaan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland ee ay Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna waxay warbixintooda usoo gudbindoonaan Golaha.

Khamiistii golaha wasiirrada Puntland, ayaa meel mariyay in la kordhiyo tirada ururada siyaasada, si taas loo gaaro ayaa loo baahan yahay in dastuurka la furo oo halkii saddex urur siyaasadeed ku qornaayeen lagu beddelo shan urur siyaasadeed.

Madaxweyne Deni oo qorshahan wata ayaa dadka siyaasadiisa dhaliilsan, waxay sheegaan inuu doonayo in shanta urur siyaasadeed ee kusoo baxa doorashooyinka Dowladda hoose ay go’aan ka gaarayaan doorashada 2024.

Halkaan ka akhriso guddiga loo saaray dasuurka.

1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)

2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)

3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)

4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)

5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)