4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2023
Shariif Xaaji oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Alberta ee dalka Canada
 

Talaado, May 30, 2023 (HOL) - Shariif Xaaji oo ah Somali ka tirsan Xisbiga NDP ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee Somali ah oo ku guuleystay si aqlabiyad leh doorasho ka dhacday  gobolka Alberta maalinimadii Shalay oo Isniin aheyd.

Xildhibaan Shariif Xaaji oo galay tartan  doorasho oo aad u adag ayaa ku guuleystay codad gaaraya boqolkiiba 52.5.

Sayid Ahmed oo ah Somali ka tirsan xisbiga UCP ayaa ahaa shaqsi sida aadka ah ula tartamay Xildhibaan Shariif Xaaji, wuxuuna helay Sayid Ahmed codad gaaraya boqolkiiba 41.4.

Doorashada Xildhibaan Shariif Xaaji ayaa ka dhigan in markii ugu horreysay ay Somalida yeesheen Xildhibaan heer gobol ku matala Baarlamanka gobolka Alberta, kaasoo guul la taaban karo kasoo hooyey magaalada Edmonton ee Caasimadda gobolka Alberta ee dalka Canada.

Dhanka dolwadda Federaalka Canada waxaa markii sadaxaad Xildhibaan ka noqday Axmed Xuseen oo haatan ah  Wasiirka Guryeenta iyo Jinsiyadaha ee dowladda Canada, waxaana sidoo kale xusid mudan in doorashooyin horay uga dhacay gobolada Ontario iyo British Columbia iney kusoo baxeen Somali.