4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2023
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka afgambi siyaasadeed

Axad, May 28, 2023 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay dowladda federalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ku shiray Muqdisho in ay ku heshiiyeen in dastuurka lalaalo, dalkana la galiyo afgambi siyaasadeed.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir  oo arrintaan ka hadlayay ayaa sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin wuxuu ku tilmaamay heshiisyo laab lakac ah oo lagasoo abaabulay villa Soomaaliya.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in waxa kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran aysan samayndoonin wax macno ah.

Maxamuud Ceyydiid Dirir wuxuu sheegay in dhammaan la baalmaray hay'adihii iyo sharuucdii dalka ee loo baahnaa inay hormuud ka noqdaan wada xaajoodyada siyaasadeed ee salka ku haya dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka.

Wasiir Ceydiid wuxuu sheegay, Puntland inay doonayso in sharuucda lagu dhaqmo oo aysan dowladda federalka isku dayin inay sharciga jeebka ku sidato, taasoo uu sheegay in wax dani ahi ku jirin, islamarkaana abuuraysa in lasii kala fogaado.