4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Ciidanka ATMIS oo sheegay inay ku jebiyeen Alshabaab dagaalkii ay kusoo qaadeen saldhiggooda Buulomareer

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka midowga Afrika ee ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay saakay waaberigii ku qaadeen saldhiggooda ku yaallay Buulo Mareer oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

ATMIS waxay sheegeen Al-shabaab inay saldhiggooda kusoo weerareen weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo kuwo ismiidaamin ah.

Howlgalka ATMIS wuxuu sheegay in dagaalka oo ka dhacay qeybta duulista ee ATMIS ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan oo ku jebiyaan Shabaabka soo weeraray.

“ATMIS waxay jeclaan lahayd inay u xaqiijiso dadweynaha iyo dhammaan hay'adaha kale ee dalka in wax walba la samaynayo si xaaladda loo xakameeyo,” ayaa lagu yiri war -saxaafadeedka kasoo baxay ATMIS.

Waxay sheegeen inay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, ayna sii wadi doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.

Hadalka kasoo baxay ATMIS ayaa yimid, kaddib markii Alshabaab ay sheegeen inay la wareegeen saldhigga ciidanka ATMIS ee magaalada Buulo Mareer, iyagoo sheegay inay dileen in ka badan 137 askari oo katirsan ciidanka Uganda ee saldhigaas joogay.