6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Golaha Wasiiradda oo Maanta ka shiray Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay gobolka Hiiraan iyo arrimo kale

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ahna ku simaha Raysal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare iyo dhaqan gelinta nidaaminta bajaajyada ka howlgala Caasimadda dalka.

Shirka ayaa warbixino la xariira amniga guud ee dalka iyo xasilinta waxaa looga dhageystay Wasiiradda Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo si gaar ah faahfaahin uga siiyay golaha dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxda Al-shabaab iyo hirgelinta qaraarkii Golaha ee la xariiray nidaaminta Bajaajyada ka shaqeeya gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maanta dhaqan galay.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa maanta si weyn looga hadlay xaaladaha bani'aadanimo ee ka dhashay Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Hiiraan oo saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanada uu wabigu ka sameeyay Fatahaada ee ku yaala gobolka Hiiraan, waxaana golaha warbixin la xariirtay xaaladaha Fatahaada usoo bandhigtay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda.

Gabagabadii Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023, oo ay dowladu ka qaado sanad walba xiligaan oo kale guud ahaan dalka marka laga reebo Somaliland iyo puntland oo deegaanadooda si gaar ah uga qaada Imtixaanka dugsiyada sare ee deegaanadaas ku yaala.












Click here
5/25/2023 11:11 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

5/25/2023 7:48 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin uu ku sifeeyay saaqidiin ay hor istaageen inay doorasho ka dhacdo magaalada Garowe.

5/25/2023 4:15 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

5/25/2023 3:02 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - 33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

5/25/2023 1:52 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho ee ahaa A iyo B.

5/25/2023 1:35 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Dowldda Mareykanka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay 26 qof iyo hay’ado xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, iyo Shirkado Soomaaliyeed oo dhoofiya Dhuxusha.