4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 15, 2023
La-tacaalidda Xanuunnada Wadnaha ee Carruurta: Khibrad Soo-jireen ah iyo Isbitaalka ACIBADEM
 

Isniin, May, 15, 2023
SPONSORED POST
 
La-tashi lacag la'aan ee Dhaqaatiirta  Wadnaha ee ACIBADEM, kala xiriir WhatsApp: +905318820168 ama iimayl: [email protected]


Isniin, May, 15, 2023 (HOL) -   ACIBADEM waxa uu leeyahay 30 sano oo khibrad ah, 15,000 oo carruur ah oo la daweeyey kuwaasoo  in Kabadan 95% lugu guuleystey. Qalliin lugu sameeyo wadne aan weli korin oo aad u yar waa caqabadda ugu weyn ee dhakhaatiirtu ay wajahdo. Wadnaha sidaasi u yar ayey marar badan noqotaa in qalliin lugu sameeyo. Run ahaanna waxaadba arkaysaa in cudurrada wadnaha ku dhacaa ay carruurta dhowaan-dhaladka ah uu ku badan yahayba oo ku dhawaad 100 kii carruur ah oo dhalataba mid kamid ah ayaa ku dhasha cillad xagga wadnaha ah. Ilaa in ka badan 200, oo ah xanuunno kala duwan ayaa carruurta cudurrada wadnaha ku dhalata lugu arkaa iyadoo qaar ay yihiin kuwo fudud halka kuwo kalena ay yihiin kuwo dhimasho sababi kara. Iyadoo xaaladahaan saddex kasta oo la arko, mid ka mid ah uu u baahdo in qalliin lugu sameeyo weliba maalmaha ugu horreeya ee uu ilmuhu dhasho haddna waayadii hore imaha ku dhasha xaalado caafimaad oo xagga wadnaha ah, fursad aad u yar ayaa jirtey in ay noolaadaan. Beryahan danbase, saadaasha fursadaha uu ilmahaasi ku noolaan karo iyo xogaha la xiriira ayaa sare u kacay tanoo ay sabab u tahay horumarka laga gaaray caafimaadka iyo farsmada casriga ah. Tabaha casriga ah ee qalliinka oo waayadan la raaco ayaa suurto geliya 90% iyo in kabadan oo ah carruurta xaaladahaan ku dhalata in dib loo baxnaanin karo oo la gaarsiin karo ilaa heer  wadnahaasi uu si caadi ah oo caafimaadkiisu soo noqonayo lugu soo dabbaali karo. Xarunta Wadnaha Dhallaanka ee ACIBADEM wax ay ka mid tahay xarumaha adduunka ugu horreeya daaweyntaas casriga ah ee daryeelka wadnaha carruurta lugula tacaalayo. Isbitaalkan waxaa ka hawl gala takhaatiir takhasus dheer oo, gobolka iyo Turkigaba laga soo aado u leh, cudurrada wadnaha ee carruurta iyo qalliinkoodaba. Ayaga oo ka faa’iideysanaya khibradda daaweynta 15,000 oo carruur ah oo xaaladahaasi la noolaa, kuwaasoo ka kala yimid dunida daafeheeda, ayaa dhakhaatiirtani in ay helaan cilladaha jira iyo daaweyntoodaba ay inta badan u suurto gashaa iyagoo horay usoo arkay cudurrada wadnaha ee dhici kara iyo weliba kuwa naadirka ah ee inta badan xalka loo waayo. 
 
Qalab horumarsan oo lagu baaro cudurka si loo ogaado xanuunada wadnaha
 
Xanuunada wadnaha ee caruurtu waxay noqon karaan kuwo aay ku dhasha ama kuwo ku soo baxo marka ay dhashaan ka dib. Cilladaha wadnaha ee lagu dhasho waa cudurrada ugu badan ee lagu arko dhallaanka. Waana nooca ugu badan ee lagu arko ciladaha wadnaha. Ciladahaas ayaa lagu arkaa inta dhallaanka oo jiro koritaanka uurjiifka ee uurka hooyada.
 
Xanuunada ama dhibaatooyinka wadnaha ee kala duwan ayaa u baahan in si deg-deg ah looga hor-tago ka dibna loo helo daaweyn ku haboon.  Aaladaha tignoolajiyada ee ACIBADEM oo ah aalad heer sare ah  ayaa lagu isticmaalaa si ogaado cilladda saxda ah. Electrocardiography (ECG), Raajo laabta, Echocardiography, Trans Esophageal Echocardiography (TEE), Sawirka Resonance Cardiac Magnetic Resonance Imaging (MRI) iyo Computerized Tomography (CT) ayaa inta badan loo isticmaalaa hababka ogaanshaha bukaanka qaba cudurada wadnaha ee carruurta. Horumarka weyn ee sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray baaritaanka cudurada wadnaha ayaa wuxuu  fursada u siiyey in la ogaado cilladaha wadnaha ka hor dhalashada, waxaan arrintaas suura-galiyey  tignoolajiyada casriga ah ee sawir-qaadista uurka hooyada inta aysan dhalin. Sawir laga qaado uurjiifku oo loo isticmaalayo qalabk Echocardiography  waa hab si fudud wax baaro waxa uuna la mid yahay qalabka ultrasonography, wuxuuna sawiro heer sare ah ka soo qaadi karaa marka dhallaanka ku 16 usbuuc ku jiro uurka hooyadiis.  Sawirkaas la soo qaaday ayaa wuxuu faahfaahin dheeraad ah ka bixinayaa qaabka wadnaha dhallaanka, isaga oo wax dhibaato ah aanan u geysaneyn hooyada iyo dhallaankaba. aa in si faahfaahsan loo baaro wadnaha ilmaha inta uu uurka ku jiro, iyada oo aan wax dhibaato ah u geysan hooyada ama ilmaha. Haddii wax dhibaato laga ogaado sawiradii la soo qaaday , kooxda caafimaadka oo khibradda dheeraad u leh ayaa si habsami leh ugu diyaargaroobayo dhalashada ka hor, ayada oo qaabkii loo daaweyn lahaa loo qosheeynayo.



Qalabyada kala duwan iyo qaliimada heerka sare ah
 
Cudurada wadnaha ee ku dhaca carruurto qaarkood uma baahna qaliin. Waayahaan dambe waxaa soo baxay hab lagu daaweeyo oo looga kaaftoomayo qaliinka oo caan noqday sannadihii la soo dhaafay. Nidaamkaan cusub ayaa wuxuu awood u leeyahay in daaweeyo wadnaha oo sidaan horay u soo sheegnay oo looga baahan qaliin. Xididada dhiiga qaada ayaa mararka qaar yaraada, haddii si deg-deg loo ogaado, waa  lagu ballaarinayo qalabka balloon angioplasty. Dhaqaatiirta isbtiaalka Acibedam oo khibrad ballaaran u leh arrimahaan, ayaa waxay isticmaalaan qalabyafa noocaydooda kala duwan oo waliba soo saar natiijo aad u wanaagsan. Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale isticmaalo nidaamka loo yaqaan minimally invasive si loo yareeyo xanuunka iyo mudadada uu dhallaanka joogayo isbitaalka.
 
Haddii loo baahdo qalliin, waxaa ACIBADEM diyaar ku ah dhaqaatiir aqoon sare u leh. Xaruunta daaweynta carruurta ee ACIBADEM ayaa waxay si joogta u sameeyaan daaweyn kala duwan ayaga si gaar diirad u saarayo qaliimada adag sida qaliinka congenital and neonatal. Qalab casri ayaa marwalba awood dheeraad u siiya dhaqaatiirta si loo helo natiija wanaagsan. Marar qaar, qaliimada qaarkood waxaa isticmaala waxa loo yaqaan robotic surgery. Marka la qalo dhallaanka waxaa la geeyaa ICUda halkaa oo diyaar ugu yihiin kal-kaaliyaal caafimaad oo si gaar ah ula socda xaaladda dhallaanka.


 
Waxaa loo midoobay Badbaadinta Wadnaha Caruurta
 
Badbaadinta wadanahu si ay waxtar u yeelato, dhakhtar qalliin heer caalami ahi kuma filna kaligiis. Qalliinka wadnaha ee carruurtu waxuu u baahan yahay koox xirfadlayaal si fiican u tababaran oo ka kala socda dhammaan takhasusyada caafimaadka ee la xiriira qaliinka wadnaha.
Waxa si baahsan loo qiray in adeegyada dhamaystiran ee ay bixiyaan kooxaha culuumta kala duwan ku takhasusey oo adeegsanaya goobo caafimad oo si khaas ah u qalabaysan lagu helo natiijooyinka ugu fiican ee carruurta qaba xanuunada wadnahu ay helaan.
 
Kooxaha qaabilsan daryeelka wadnaha carruurta ee ka hawl gala Isbitaalada Istanbul ee ACIBADEM Bakirkoy iyo ACIBADEM Atakent, waxay ka tirsan dhakhaatiir khibrado kala duwan oo ku saabsan wadnaha carruurta leh, sida dhakhtarka qalliinka wadnaha caruurta
iyo dhaqtarada qaabilsan xididdada dhiigga, suuxdinta iyo daryeelka degdegga ah, waxa kaloo jira dhakhtarada ku takhasusey sawirka wadnaha iyo shucaaca, neonatology iyo baxnaaninta. Dhakhaatiirtani waxey dhammaantood u hureen sannado badan oo dadaal ah si ay si fiican u fahmaan baahiyaha gaarka ah ee jireed iyo shucuureed ee bukaannada wadnaha ee caruurta ah. Dhaqaatiirtan oo daaweeyey in ka badan 600 bukaan oo ka kala
 
yimaada dalal badan oo adduunka ah sannad walba, kuwaas oo ay ku jiraan kiisas ku soo adkaadey xarumaha kale ee wadnaha daaweeya. Taasi waxey sababtey in dhakhaatiirtu ay yeesheen aqoon qoto dheer iyo waayo-aragnimo. Halkaana ay ku gaadheen iney ku guuleysteen in ka badan 95% qaliimada ay sameeyaan, oo ay ku jiraan kiisaska adag.


La-tashi lacag la'aan ee Dhaqaatiirta  Wadnaha ee ACIBADEM, kala xiriir WhatsApp: +905318820168 ama iimayl: [email protected]