4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2023
Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay isimada Gobolka Mudug
 

Axad, May, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isimada iyo waxgaradka gobolka Mudug ka raali galiyay habkii uu u maamulay kuraasta aqalka hoose ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni oo ku sugan Gaalkacayo ayaa kulan gaar ah la qaatay Islaam Bashiir Islaam Cabdulle iyo isimada kale, isagoo sheegay in maamulkiisu xaal iyo raali galin uu ka bixinayo in odayaasha dhaqanka aan loo ogolaan inay iyagu soo xushaan cidda u matalaya barlamaanka.

Warar aan helnay ayaa waxay sheegayaan in kulanka intii lagu jiray uu madaxweyne Deni ka codsaday isimada Mudug inay maamulkiisa kala shaqeeyaan hirgalinta doorashada dowladaha hoose ee gobolka Mudug, xilli gobolka Mudug uu kamid yahay meelaha laga saluugsan yahay habka maamulku uu u wado doorashada qof iyo cod.

Inkastoo isimada iyo odayaasha Mudug ay madaxweynaha ka qaateen raali galinta uu ka bixiyay habkii uu u maamulay doorashadii xulista barlamaanka, haddana waxay madaxweynaha uga digeen inuu qabto doorasho qalalaase ka dhasho.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyaa inuu boob kula kacay doorashadii xildhibaanada Puntland ku matalayay labada aqal ee barlamaanka, arrintaan oo keentay in Deni iyo isimada Puntland ay kala fogaadaan.