4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 14, 2023
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay haweeney ku eedeysan dilka Wiil uu dhalay Ninkeeda
 

Axad, May, 14, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney ku eedeysan dil ay u geysatay wiil yar oo ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo haweeyneydaan usoo bandhigay Warbaahinta ayaa sheegay in haweeneydaan ay si xun u garaacday wiilka yar ayna jirkiisa ka muuqdeen garaacis xoogan oo sababtay inuu u geeriyoodo.

"13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley,   ayaa gacanta ku doo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo. Eedeysanaha ayaa Boliisku gacanta ku hayaa waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo"ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska guud ee qeybta Boliiska gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay iney wadaan baaritaano la xariira dilka haweeneyda, islamarkaana cadaalada la horgeyn doono haweeneyda dishay wiilkii ay eedada u aheyd.

Aabaha dhalay wiilka dhintay iyo gabadha laga soo badbaadiyay haweeneydaan ayaa la sheegay inuu ku nool yahay dalka Dibadiisa, islamarkaana haweeneydaan Xaaskiisa aheyd uu ku biili jiray caruurtiisa.