4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 13, 2023
Sacuudiga oo dib u dhigay muddada Soomaaliya isaga bixinayso deynta lagu leeyahay

Sabti, May, 13, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Sacuudiga ayaa qalinka ku duugay heshiis ogolaanaya in dib u habeyn lagu sameeyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cilmi Nuur iyo madaxa fulinta ee sanduuqa horumarinta Sacuudiga, Sultan Cabdiraxmaan Al-Marshad ayaa heshiiska ku kala saxiixday xaflad ka dhacday magaalada Jeddah.

Xafladda ayaa lagu sheegay in muddada dib-u-bixinta amaahda Dowladda Sacuudigu ay ku leedahay Soomaaliya, dib loo dhigay.

Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Abdulrahman Al-Marshad iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Sacuudiga.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maareeyaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah heshiis dib u habeyn loogu sameynayo deymaha Soomaaliya ku kala saxiixdeen Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga oo ka mid ah hay’adaha deymaha ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa ka qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka oo ka dhacaya magaalada Jeddah.

Kulanka oo socday muddo afar maalmood ah oo cinwaankiisu ahaa “Iskaashiga ka hortagga xasaradaha” ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wax ka qabashada caqabadaha dalalka xubnaha ka ah oo ka kooban 57.

Munaasabadan ayaa u noqotay madal ay madaxda caalamka, siyaasad dejiyayaasha, daneeyayaasha muhiimka ah, iyo dadka kale ee saamaynta ku leh ay isugu yimaadaan kana wada hadlaan arrimaha muhiimka ah.