4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 13, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay howlgal qorsheysan oo lagu dilay 44 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab

Sabti, May, 13, 2023 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Cali Fuuto oo ka mid ah hoostaga degmada Kuntawaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ciidamada ay ku dileen 44 xubnood oo ka mid dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad isku aruursanaayay godad ay ka qoteen deegaankaasi.

Howlgalka ayaa la tilmaamay inuu dhacay  Shalay oo Jimco aheyd, kadib markii ciidamada Sirdoonka Qaranka ay heleen xog la xariirta in deegaanka Cali Fuuto ay isku aruuraanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo diyaarinaayay dhagar ku aadan Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri Waraaxafadeedka dowladda Soomaaliya.

Warsaxafadeed ayaa sidoo kale lagu sheegay in Howlgalka ka dhacay deegaanka Cali Fuuto ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu burburiyay godad halkaasi uga qodnaa kooxda Shabaab, islamarkaana looga qabsaday hub iyo saanad kale.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo Faahfaahsan:-