4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2023
Shirkadda internetka casriga ah ee Starlink oo bilowday qorshaha ay uga hawlgalayso Soomaaliya

Arbaco, May, 10, 2023 (HOL) - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay xaqiijiyeen in wakiillada shirkadda Starlink ee bixisa adeegga internetka ay la kulmeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya.

Shirkaddan oo ah shirkad caalami ah, taasoo hormuud u ah addeegga internetka ee casriga ah ee Satellite-ka, waxay doonaysaa in ay noqdaan shirkad ka shaqeysa Soomaaliya.

Saraakiisha Starlink waxay toddobaadkan la kulmeen hay’adda isgaarsiinta Soomaaliya  iyo wakiillo kale oo heer gobol ah.

Starlink waa satellite ballaaran waxaan leh shirkada sida gaarka ah loo leeyahay ee dayax gacmeedyada ee Elon Musk. Starlink waxay bixisaa internet leh xawaare aad uga sarreeya midka hadda la isticmaalo.

Rajada hay’adda isgaarsiinta ayaa ah in Starlink ay Soomaaliya siin karto adeeg internet oo xasilan.

Hadda, Starlink waxay ka hawlgashaa waddamo badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Ghana, Nigeria, Mozambique iyo Masar, iyada oo waddamo badan ay soo galayaan khadka mustaqbalka dhow.

Soomaaliya waxay inta badan ku tiirsan tahay fiilooyinka fiber optic ee badda hoosteeda mara.