4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2023
Al-Shabaab oo xilka ka xayuubiyay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa garabka ka dagaalama Kenya

Arbaco, May, 10, 2023 (HOL) - Al-Shabaab ayaa meesha ka saartay hoggaamiye sare oo Milatari ah oo taliye u ahaa dagaalyahanada ka howlgala xudduudaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka iyo sifeynta ka dhex jirta hoggaanka kooxda.

Horjooge Ayman oo ah taliyaha ciidamada Milateriga ee loo yaqaano “Jeyshu Eyman” oo ah ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ka howlgala deegaanada xuduuda, isla markaana u qaabilsanaa abaabulka weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka Kenya, uu ka mid yahay dhowr hoggaamiye oo magac sare leh oo xilka laga tuuray.

Inkastoo ay soo baxeen warar sheegaya in looga shakiyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro maleeshiyada Daacish.

Ayman ayaa sidoo kale la fahamsan yahay inuu saaxiib dhow la yahay Salmaan Muhaajir oo ahaa sarkaal ajaaniib ah oo isna ka baxay Al-Shabaab.

Eyman ayaa la rumeysan yahay inuu la wareegay hoggaanka guud ee ciidamada kooxdan sanadkii 2009 ka hor inta uusan la wareegin Jeysh Ayman, halkaasoo uu ku sii ahaan jiray mas’uul ka hor inta aan xilka laga tuurin.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo dhawaanahan uu khilaaf gudaha ah ka dhex jiray madaxda sare ee kooxda oo ay ku jiraan madax kale oo uu ku jiro Jacfar Suudaani ayaa xilalkii laga qaaday, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Go’aanka ay Al-Shabaab uga saartay Eyman ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah howlgallada iyo saameynta ay kooxda ku leedahay Kenya, maadaama uu aqoon dheer u lahaa deegaannada ay ka howlgalaan ee xuduudka.