4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay ilaalinta Xaquuqda Haweenka
 

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kaga qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa ku amaanay Haweenka Soomaaliyeed kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada.

Raysal Wasaare Xamse ayaa hambalyo u diray guud ahaan haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isagoona sheegay in hooyadu  laf dhabar iyo aas aas muhiim ah u tahay jiritaanka qoyska iyo qaranka.

Wuxuu sidoo kale xusay in Xukuumaddiisa ay go'an tahay ilaalinta Xaquuqda haweenka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaden ka qeyb galka siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

"Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go'an gabdhaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo, gabdhaha Soomaaliyeed in wax la baro, gabdhaha Soomaaliyeed dhaqaalahooda in kor loo qaado oo xaquuqdooda gabarnimo iyo midda Ilaahay siiyey la difaaco, shaqada markii la galay ee Wasiirro la noqday gabdhaha Soomaaliyeed waa kuwa ugu kartida badan, uguna musuqa yar” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabdii Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee looga xureynayo gudaha dalka.