4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2023
Axmed Karaash: Ma dhicidoonto in doorashada madaxweynaha iyo tan barlamaanka Puntland waqtigeeda kaddib dhacdo
 

Talaado, Maarso, 7, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan (Axmed Karaash) ayaa sheegay in doorashada barlamaanka iyo tan madaxweynaha aysan dib uga dhicidoonin waqtigeedii loogu talo galay.

Axmed Karaash ayaa caddeeyay in doorashada hadda socota ay ku egtahay dowladaha hoose oo kaliya, wuxuu sidoo kale sheegay waqtiga ay haystaan inuusan u saamixi karin inay qabtaan doorasho guud oo qof iyo cod ah.

“Ciddii ka shakisan madaxda sare maxaa u qorsoon? Waxaan u sheegayaa, war waxba nooma qarsoona, mana dhicidoonto inay dib u dhacdo doorashada,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash.

Hadalka kasoo baxay Axmed Karaash wuxuu kusoo aaday iyadoo madaxweyne Deni uusan weli caddayn moqifkiisa ku aadan nuuca doorasho ee Puntland ka dhacaysa 2024.

Arrintaas waxay sababtay in siyaasiyiin kasoo horjeeda madaxweyne Deni ay ka horyimaadaan diiwaan galinta doorashada, iyagoo u arka qorshahan inuu gogol xaar u yahay muddo kororsiga madaxweyne Deni.