4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo safaaradda Turkiga ku wareejisay shan million oo dollar oo ah gurmadka dhul gariirka Turkiga
 

Axad, Maarso, 5, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa $5 milyan oo dollar ugu deeqday Turkiga, taasoo ah gurmadka dhulgariirka ku dhuftay dalkaas, kaasoo geystay khasaare weyn.

Kaalmadan oo ka timid dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed labadaba, ayay xukuumadda Soomaaliya sheegtay inay muujineyso garab istaagga Ankara iyo shacabkeeda waxyeeladu kasoo gaartay dhulgariirka musiibada ahaa.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa guddiga KMG ah ee uu ra’iisul wasaaruhu u xil saaray inay gacanta ku hayaan deeqdaasi, waxay safaaradda Turkiga  ku wareejiyeen lacag dhan sagaashan milyan iyo todobo boqol iyo afar iyo toban kun oo Liira ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, guddoonka baarlamaanka iyo  wasiirro iyo xildhibaanno kale.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in musiibadii ka dhacday Turkiga ay ka barteen in dadka Soomaaliyeed ay wax walba qabsan karaan haddii ay midoobaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli, ayaa yiri: Turkiye wuxuu hadda wajahayaa masiibo xun, waxaad na tusteen taageero dhaqaale oo aad u qiimo badan iyo dareen walaaltinimo.

Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii balaadhnaa ee 6-dii Febraayo ayaa kor u dhaafaya 45,000, sida ay sheegtay hay’adda maaraynta masiibooyinka ee Turkiga, taasoo ka dhigaysa musiibadii ugu xumayd ee Turkiga ka dhacda qarnigii la soo dhaafay.

Ilaa 214,000 oo dhismo ah oo ka koobnaa 608,000 oo guri ayaa dumay ama soo gaadhay burbur xooggan, ayuu yidhi Erdogan.