4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Midowga Yurub oo ansixiyay taageero dheeri ah oo la siinayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Midowga Yurub (PSC) ayaa ansixiyay in taageero dheeri ah la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee (ATMIS).

Taageeradan dheeriga ah waxay ujeedadoodu tahay inay gacan ka geysato wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, taasoo u oggolaanaysa inay gutaan waajibaadkooda qaran iyadoo la xajinayo awooddooda.

Midowga Yurub wuxuu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii horey loogu cayimay ATMIS 2023 iyo €25 milyan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka.

Dhanka ATMIS, taageerada lagu heshiiyey waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika, lagasoo billaabo 2021.

Dhanka Ciidanka Xoogga daka waxa ay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo si dhow ula shaqeyneyso qeybta Tababarka Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S).

Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inay si buuxda uga go'an  tahay ka qayb qaadashada hawlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha la gaaray dagaalka Alshabaab.