4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 3 , 2023
Aqalka sare oo guddi u saaray mooshin lagu kordhinayo muddo xileedka labada aqal ee barlamaanka
 

Jimco, March, 3, 2023 (HOL) - Golaha aqalka sare ayaa guddi gaar ah u saaray mooshin xildhibaano katirsan aqalka sare ay soo jeediyeen oo ah in wax ka beddel lagu sameeyo muddo xileedka labada gole ee barlamaanka.

Warqad kasoo baxday guddoonka aqalka sare ayaa lagu sheegay, in aqalka sare uu qabtay soo jeedinta 15 senator, kuwaas oo soo jeediyay in muddo xileeedka labada gole laga dhigo shan sano, halka uu awal hore u ahaa afar sano.

Waxaa lagu sheegay ujeeddada loo kordhinayo muddo xileedka labada gole inay tahay, xaaladda amni ee dalku ku sugan yahay, iyo si aanu hakad ugu imaanin howlaha dib u xoraynta dalka.

Arrintaan ayaa waxay kusoo aaday, iyadoo isla maanta warqad middaan lamid ah oo uu soo saaray golaha shacabka, lagu sheegay in xildhibaano ku dhow 100 xildhibaan ay soo jeediyeen in dastuurka wax laga beddelo.

Iyadoo ujeeddadu tahay in isbeddel lagu sameeyo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, sida barlamaanka iyo xukuumadda federalka.

Lama oga waxa xilligan ku riixaya barlamaanku inuu muddo kordhin sameeyo, iyadoo Dowladda hadda jirta ay haysato waqti ka badan 3 sano.

Xildhibaano katirsan labada aqal ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go'aannada nuucaan ahi, iyagoo sheegay in horey loogu soo fashilmay isku dayo muddo kororsiyeed.

Madaxweynaha haatan talada haya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah dadkii aadka ugasoo horjeeday muddo kororsigii dowladdii madaxweyne Farmaajo, taasoo ugu dambayn laga laabtay, kadib markii ay ka dhasheen rabshado siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hadda lagu eedeynayaa inuu isagu gadaal ka riixayo qorshayaasha muddo kororsi ee loo marayo labada aqal ee barlamaanka.