4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2023
Beesha caalamka oo madaxweynaha Puntland ugu baaqday inuu ka qeyb galo shirarka golaha wadatashiga qaran
 

Talaado, Maarso, 21, 2023 (HOL) - Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay muhiimadda ay leedahay in Puntland ay si wax ku ool ah uga qayb-qaadato horumarka dowlad-dhisidda Soomaaliya, islamarkaana ay Puntland ka-qayb gasho shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Geesta kale, war kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankaan looga wada hadlay horumarinta Puntland, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha, doorashada iyo xaaladda colaadda gobolka Sool.

Puntland waxay kaloo sheegtay in ay beesha caalamka kala hadashay arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya ee ku saleysan federaalaynta dalka, gaar ahaan qaybsiga deeqaha horumarinta.

Puntland waxay sidoo kale u sheegtay beesha caalamka go'aankeeda ka maqnaanshaha shirarka golaha wadatashiga qaranka. Iyadoo bannaanka ka joogtay shirkii ugu dambeeyay ee lagusoo gabagabeeyay magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale warar aan helayno ayaa sheegaya in beesha caalamka ay Puntland ku cadaadinayso inay qeyb ka noqoto shirka golaha wadatashiga.

Sidoo kale madaxweyne Deni inuu la shaqeeyo guddiga madaxweynayaasha ee loo xilsaaray inay Garowe tagaan, si ay madaweyne Deni ugala hadlaan inuu shirka soo socda ka qeyb galo, lana dhegaysto tabashada Puntland ay ka qabto Dowladda federalka Soomaliya.