4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 19, 2023
Haweeney Soomaaliyeed oo madax ka noqotay mid kamid ah xisbiyada ugu weyn Norway
 

Axad, Maarso, 19, 2023 (HOL) - Marian Hussein, oo ah xildhibaanad laga soo doorto Groruddalen oo ku taal waqooyi bari Oslo ee dalka Norway, ayaa sameysay taariikh cusub ka dib markii loo doortay ku xigeenka hogaamiyaha cusub ee xisbiga Socialist Vänsterpartiet (SV).

Markii hore, guddiga doorashada ee SV waxa ay u xaglinayeen Lars Haltbrekken, laakiin Marian Hussein ayaa kusoo baxday shirweynihii xisbigeeda, waxaana loo doortay guddoomiye ku xigeen. Intii lagu guda jiray codbixin tartan ah oo ka dhacday shirkii qaran ee xisbiga SV, galabnimadii Sabtida.

Marian Xuseen waxay ka adkaatay Lars Haltbrekken, oo ahaa hogaamiyaha muddada dheer ee xisbiha SV, isagoo helay 114 cod.

Marian oo 36-jir ah ayaa muujisay farxad kadib guusha ay gaartay, waxayna tiri “Shaqo badan ayaa noo taal, waxaan sii wadi doonaa dagaalka aan ugu jirno deegaanka iyo cadaaladda bulshada, hadda, sida Hogaamiye ku xigeenka, waxaana sii wadi doonaa dhismaha xisbiga iyo dhaqdhaqaaqayaga." Hadalkan ayay ku sheegtay qoraal ay u dirtay wakaaladda wararka Norway.

Taageerayaasha Marian Xuseen ayaa sheegay in sooyaalkeeda, iyo ololaheeda ka dhanka ah cunsuriyadda ay ku mutaysatay guusheeda.

Maryan Xuseen oo ku dhalatay Soomaaliya, iyadoo toban jir ah ayay u guurtay Norway, waxay noqotay afhayeenka siyaasadda caafimaadka ee xisbigeeda.

Sannadkii 2021, waxay samaysay taariikh iyadoo noqotay wakiilkii ugu horreeyay ee baarlaman oo asal ahaan Afrikaan ah oo ka tirsan golaha sharci-dejinta Norway.

Waxaa sidoo kale loo doortay inay matasho degaankeeda waqooyi bari Oslo 2021-2025 waxayna xubin ka ahayd guddiga degmada ee Oslo 2015-2019.