4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Madaxweyne Biixi: Arrinta Laascaanood waa arrin Somaliland guddaheeda ah
 

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in colaada Laascaanood ay tahay shacab reer Somaliland ah oo xukuumadoodii wax ka tabanaya, isla markaana cidii gacan ka gaysanaysa nabadaynteeda laga rabo in ay sida ku shaqeeyso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay mudnaanta siinayaan xal u helista colaada Laascaanood, isaga oo sheegay in ay ahayd xasarad aan la filanayn oo nasiib daro ah.

"Sannadkan mudnaantayo waxay saarantahay dhibaatada ka jirta gobolka Sool oo ah dhibaato aynaan filayn, nasiib darana ah, in aynu u xalino si nabada, dowlad ahaan marwalba waxaanu ku dhawaaqaynay xabad joojin iyo in ay ciidamadu is xakameeyaan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in arrinta Laascaanood tahay arrin Somaliland gudaheeda ah "Xalka sidaanu u aragnaa waxa weeyi arrintani waa arrin Somaliland gudaheeda ah, waa dad muwaadiniin Somaliland ah oo wax ka tirsanaya dowlada, waxay u baahanyihiin in loo fadhiisto oo la dhagaysto dowlad ahaana diyaar ayaanu u nahay".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay soo dhawaynayaan cidkasta oo gacan ka gaysanaysa nabadaynta Laascaanood, laakiin cida xalka galaysa ay noqoto cid aaminsan in ay tahay arrin Somaliland dhexdeeda ah, wuxuuna u digay Puntland oo uu sheegay in ay faraha kula jirto Sool.

Waxa uu sheegay in qaarada Afrika ay ku dhisantahay xadadkii uu isticmaarku sameeyay isla markaana anay jirin cid badali karta xuduudihii isticmaarku dhigay, hadii la taabtana ay Afrika oo dhani qalalaase gali doonto.

Madaxweynu waxa uu sheegay in xaalada Laascaanood nabad lagu soo dabaali doono, isaga oo rajo fiican ka muujiyay in laga heshiiyo, dhinaca kale Garaadada ku sugan Laascaanood ayaa wali ku baaqaya in ciidamada Somaliland ka baxaan deegaanadaas.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]