4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Faahfaahin ku saabsan weerar lagu qaaday hotel kutaala xeebta Liido

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Warar hordhac ah oo laga helayo xeebta Liido ee Muqdisho, ayaa sheegaya in la weeraray hotel Pearl Beach oo kamid ah hoteelada dhawaan laga furay halkaas.

Goobjoogayaal ayaa ku warramaya in uu yahay weerar toos ah oo ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah, kaddibna dabley hubeysan ayaa gudaha u galay makhaayada.

Xilliga uu weerarka dhacay dad badan oo ay ku jiraan shakhsiyaad dowladda katirsan, ayaa ku caweynayay makhaayada hotelka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Ciidamada Dowladda ayaa hadda wada howlgal lagu badbaadinayo dadka gudaha ku go’doonsan. Wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah dadkii ku go'doonsanaa makhaayada hotelka lasoo badbaadiyay.

Alshabaab ayaa horey dhowr jeer u weeraray hoteelada ku yaalla aaga xeebta Liido.

Waxaana ugu dambeeyay weerarkii August 2020 laga geystay Hotel Elite.