4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Kenya iyo Ethiopia oo soo dhameystiray ciidamadii ka qeyb gali lahaa wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab
 

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sarreeye Guuto, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay keeneen ciidamadii ay ugu talo galeen wajiga labaad ee dagaalka ka dhan ah Alshabaab.  

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, wuxuu sheegay ciidamada dowladda Kenya ay soo dirtay ay haatan ku kala sugan yihiin, Ceelwaaq, Hosingow, Gariley, Dhoobley, Kulbiyo iyo Diif.

Halka ciidamada Ethiopia uu sheegay inay ku sugan yihiin, Cabudwaaq, Yeed iyo Qurac-joome.

Afhayeenka wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya haatan ay diyaarisay ciidamadii la shaqayn lahaa ciidanka ka socda labada dowladood. Wuxuu sheegay ciidamada Soomaaliya inay yeelandoonaan hoggaaminta dagaalka.

“Ciidanka Ethiopia, ciidan Soomaali ah haddii aysan u tagin, iyo dhallinyarada difaaca shacabka oo sahminaysa dhulka, kaligood inay soo galaan waxyaabaha lagu heshiiyay ma ahayn. Ciidankii la howgali lahaa baa la diyaarinayaa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Sarreeye Guuto, Cabdullaahi Cali Caanood wuxuu sheegay, in dowladdu qaadatay qorshe ah in howlgalladan ay qeybta ka yihiin ciidamada shisheeye aanay wax dhibaato ah kasoo gaarin dadka shacabka ah iyo hantidooda.