4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka inay boob iyo musuq maasuq ku sameysay adeegga xajka

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda federalka Soomaaliya in ay boob, eex iyo musuq maasuq ku samaysey hab qeybsiga, maamulka iyo adeegyada Xajka Soomaaliyeed.

Wasaaradda caddaaladda Puntland waxay sheegtay in Puntland la siiyay 850 xujey, oo qeyb ka ah 11,500 xujey ah oo guud ahaan Soomaaliya la siiyay sanadkan.

Puntland waxay ku eedeysay wasaaradda diinta iyo awqaafta inay magacowday waxay ugu yeertay koox mukhallasiin ah oo xigto dhow la ah masuuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo ay sheegtay inay lacago ka arursadeen xujeyda Soomaaliyeed.

Sanad kaste, Puntland ayaa walaac ka muujisaa hab qeybsiga xujeyda Soomaaliyeed. Waxay ku dooddaa in aysan heli saamigii ay xaqa u lahayd. Walow aysan Puntland hor istaagin xujeyda ka dhoofaya degaanadeeda.