4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 9 , 2023
Agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo loo xiray arrimo musuq maasuq

Jimco, Juun, 9, 2023 (HOL) - Agaasimihii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Maxamed Cali ayaa xabsiga loo taxaabay, sida lagu  sheegay war kasoo baxay taliska qeybta Guud ee booliska Gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa sheegay in xariga agaasimaha loo maray si waafaqsan sharciga, wuxuuna daba socdaa eedeymo musuq-maasuq oo loo haysto.

Sida ay Booliisku sheegeen waxaa lagu xiray amar ka yimid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Agaasimaha ayaa la horgeyn doonaa Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Waa tallaabadii ugu horreysay ee masuul katirsan Dowladda loogu xiro arrimo musuq maasuq, tan iyo markii xafiiska uu la wareegay madaxweyne Xasan Sheikh.

Dhawaan, golaha wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar lagula dagaalamayo musuq maasuqa hay’adaha Dowladda, waxayna Dowladda sheegtay inay kormeer ku sameynayso xafiiska dowliga ah. si loola dagaalamo musuqa.