4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Faysal Cali Waraabe: Golaha Ammaanku malaha awood sharci oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland
 

Khamiis, Juun 8, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Golaha Ammaanku aanu lahayn awood sharci oo uu kaga hadlo arrimaha Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland anay xubin ka ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida darteedna anay jirin awood sharci oo uu goluhu Somaliland kaga hadlo.

''UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya" ayuu yidhi Faysal.

Golaha Ammaanka oo shalay warbixin kasoo saaray dagaalka Laascaanood, ayaa Somaliland ugu baaqday in ay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood, taasi oo xukuumada Somaliland ay diidmo kaga jawaabtay.

Sidookale golaha ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in ay miiska wadahadalka iskugu yimaadan  oo colaada wadahadal lagu dhameeyo.