4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 8 , 2023
Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Golle ee Jubbaland oo ka horyimid magacaabista maamulka cusub ee Gedo

Khamiis, Juun 8, 2023 (HOL) - Xildhibaanadaan ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee kasoo Jeeda maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga soo horjeestay maamulka cusub ee gobolka Gedo uu u magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaanadaan oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku tilmaamay magacaabista maamulka cusub ee gobolka Gedo mid aanan waxba soo kordhinen oo sii kala fogeyneysa reer Gedo iyo Jubbaland.

Mudanayaashaan oo ay ka mid ahayeen Senator Iftiin Xasan Baasto iyo Senatar Fartaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay sheegeen ineysan ka aqbaleyn waxii ay horay uga diideen Farmaajo.

"Bisha sideedaad ee sanadkan doorasho ayaa ka dhaceyso Jubbaland looma baahna in fowdo cusub la abuuro mana aqbaleyno hal maalin oo muddo kordhin ah" ayuu yiri Senatar Iftiin Xasan Baasto.

Kulanka Xildhibaanadan labada Golle ka tirsan ayaa imaanaya, iyadoo maanta uu sidoo kale ka horyimid guddoomiyaha Gedo Axmed Buulle magacaabista maamulka cusub ee gobolka Gedo oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.