4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 6 , 2023
Shirka Wasiirrada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Talaado, Juun 6, 2023 (HOL) - Shirka wasiirada maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka  iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha maaliyadeed ee Soomaaliya caalamku siiyo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in shirkaan xoogga lagu saari doonaa arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, arrimaha Mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa hay'addaha Maaliyadda heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangkiga adduunka iyo hay'addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Puntland ayaa shirkaan ka maqan, iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda federalka, taasoo saamayn ku yeelatay wadashaqayntii hay’adaha dowliga ee dowladda federaalka iyo kuwa Puntland.