4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 4 , 2023
Abaanduulihii hore ciidamada Somaliland oo ka hadlay sababta uu ugu biiray SSC
 

Axad, Juun 4, 2023 (HOL) - Sareeyo Guuto Saleebaan Barre Geesood oo soo noqday abaanduulaha ciidanka Somaliland ayaa sheegay in uu Somaliland uga tagay markii uu ka arki waayay talo wanaagsan oo dagaalka lagu joojinayo.

Waraysi uu siiyay Gaylan Media ayuu ku sheegay in ay u muuqanwayday talo wanaagsan oo uu dagaalku ku istaagi karo, sidaa darteedna uu ugu biiray SSC.

"Waxan islahaa bal in caqli fayoobi taliyo oo ay tashadaan, oo ay gartaan talo midan dhaanta oo lagu kala badbaadi karo, ugu danbayntiina waxa ii muuqatay in aan wax is badalayaa jirin in la kala adkaado mooyaane, markay sidaa tahay waxay u baahatay in uu nin waliba ninkiisii noqdo" ayuu yidhi Barre.

Waxa uu Somaliland ku eedeeyay in ay duqaysay magaalada Laascaanood, isla markaana ay si lexejeclo daro ah u burburisay kaabayaashii dhaqaalaha, dugsiyadii iyo isbitaaladii.

Waxa uu beeniyay sheegashada Somaliland ee ah in argagixiso ay kula dagaalamayaan magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in ay dagaalamayaan ciidankii Somaliland iyo dadkii deegaanku "Wax argagixiso la yidha ma jiro" ayuu yidhi Barre.

Waxa uu sheegay in anay u muuqan talo uu ku istaagayo dagaalka Laascaanood, isaga oo madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu rabo in uu dagaalku sii dheeraado si anay doorasho u dhicin.