4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 4 , 2023
Abaanduulihii hore ciidamada Somaliland oo ku biiray Ciidamada SSC
 

Axad, Juun 4, 2023 (HOL) - Abaanduulihii hore ee Ciidanka Somaliland Saleebaan Barre Geesood, ayaa shaaciyay in uu isku dhiibay Ciidamada SSC ee dagaalka kula jira Somaliland.

Saleebaan Barre Geesood oo ka hadlay madal soodhawayna oo Laascaanood loogu sameeyay, ayaa sheegay in uu shaqadiisii uga tagay shacabka SSC dartood.

"Idinka dartiin ayaan shaqadaydii uga imid, waan qiiroonaya markaan dadkayga arko siday ii jecelyihiin, awalna xaaladiina waan la socdoo idinkamaan maqnayn, intii dagaalkaasi bilaabmay niyada waan idin kala joogay" ayuu yidhi Saleebaan Barre Geesood.

Afhayeenka Guddida 33-ka Cabdirisaaq Maxamed Xasan Fallaalug, oo ka hadlay madasha lagu soo dhawaynayay Taliye Saleebaan Barre Geesood, ayaa sheegay in shacabka SSC iyo Somaliland ay kala dhamaadeen.

"Wax badan oo la yidhaa ma jiro, nimankaa hore ayaynu u kala soocanay, hal wax baa iskugu keen hadhsanaa oo tiina ma ogola, darisnimo iyo xididnimo iyo wax wada cunkii diidee hada waxay onoo taagantahay wax iska celin" ayuu yidhi Fallaalug.

Intii uu dagaalka Laascaanood bilowday saraakiil dhowra oo deegaanada SSC kasoo jeeda oo hore uga tirsana ciidanka Somaliland ayaa ku biiray dhinaca xoogaga SSC.