4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay liiska xildhibaanada kusoo baxay doorashada dowladaha hoose

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland maanta oo sabti ah  shaaciyay tirada iyo magacyada xildhibaanada urur kaste ugasoo baxay doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Natiijada la shaciyey ayaa muujineysa inay codeeyeen dad gaaraya kaliya 177,445 kun oo qof marka loo eego 385,000 qof la sheegey iney is-diwaan galiyeen.

Sida ka muuqatay liiska uu guddigu soo bandhigay, ururada Kaah, Mideeye iyo Sincad, ayaa noqday saddex urur ee ugu codadka badan ama ugu kuraasta badan.

774 kursi oo lagu tartamayay 30 degmo, 286 kursi waxaaa helay ururka Kaah, 211 kursi waxaa helay Mideeye, 133 kursi waxaa helay Sincad, 78 kursi waxaa helay Ifiye, 57 kursi waxaa helay Mustaqbal, 7 kursi waxaa helay shaqaalaha, halka 2 kursi uu helay Runcad.