4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2023
Qaar ka mid ah goobaha Waxbarashada Baledweyne oo dib u furmay
 

Sabti, Juun 3, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Sabti ah si rasmi ah dib ugu furmay qaar ka mid ah goobaha Waxabarashada Baledweyne oo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay u xirna Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay gudaha iyo daafaha Baledweyne.

Iyadoo ay jirto in iskuulada qaar Maanta dib loo furay ayaa hadana waxaa jira qaar kale oo ka mid ah iskuulada oo wali ay dhex fadhiyaan biyaha wabiga Shabeelle, kuwaas oo aanan wali suurtagal aheyn in dib loo furo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in wali aysan gudaha magaalada Baledweyne si guud uga bixin biyahii kusoo baxay oo ay ku dhex go'doomeen xaafadaha qaar meelaha gododka ah, islamarkaana ay jiraan arday badan oo qoysaskooda u qaxeen deegaano iyo degmooyin kala duwan oo ka fog Baledweyne oo aan wali dib usoo laaban.

Mid ka mid ah maamulayaasha iskuulada Baledweyne oo VOA la hadlay ayaa sheegay in ardayda dib usoo laabatay ee iskuulka Hiiraan Intigarite ay gaarayaan boqolkiiba 30 taasoo ah tiro aad u yar, hayeeshee muhiimada ay tahay in howlaha waxbarashada halkooda laga sii wado.

Ardayda ku nool Baledweyne ayaa sanadkaan wali u fariisan Imtixaanka Shahaadiga ay qaado dowladda Soomaaliya, kaasoo dib loogu dhigay sababo la xariira fatahaada ku dhufatay Baledweyne iyo deegaanada hoostaga.