4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 2 , 2023
Maraykanka oo ka hadlay sababta uu u baaqday dhoolatuskii ciidan ee Berbera ka dhici lahaa

Jimce, Juun, 2, 2023 (HOL) - Danjiraha shaqada kasii tagaya ee Maraykanka u joogay Muqdisho Larry Andre, ayaa sheegay in loo baajiyay dhoolatuskii Maraykanku hogaaminayay ee horaantii sannadkan ka dhici lahaa Berbera sababo la xidhiidha dagaalka Laascaanood.

Andre oo dhawaan waraysi siiyay idaacada BBC ayaa sheegay in dhoolatuska dib loo dhigay kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka magaalada Laascaanood
"Sababtaas ayaan u baajinayay oo aan dib ugu dhignay,” ayuu yidhi Andre

Dhoolatuskan oo Maraykanku uu hore u sheegay in uu ka qabsoomayo Berbera ayaa waxa uu qayb ka noqon lahaa taxane dhoolatus ciidan ah oo ka dhici lahaa barriga Afrika, islamarkaasna ay qeyb ka noqon lahaayeen ciidamada dalalka Bostwana, Rwanda, Uganda, Kenya iyo Djibouti, Soomaaliya iyo waliba ciidamada Somaliland.

Andre oo ka hadlay safar ay saraakiil Maraykan ahi ku tageen magaalada Berbera kahor intii aan lagu dhawaaqin qabsoomida dhoolatuska, ayaa xusay in ay Berbera ay u tageen si ay u hubiyaan awooda shaqo ee Dekedda Berbera.

“Waxaan dooneynay in aan qiimeyno awoodaha iyo shaqada dekeda Berbera haddii ay dhacdo in maraakiibta ciidamada Mareykanka ay u baahdaan shidaal ama adeeg kale" ayuu yidhi Andre.

Waa Markii ugu horaysay ee dowlada Maraykanku ka hadasho sababta baajisay dhoolatuskan ciidan oo sidookale ka dhacay qaybo kamid ah xeebaha Afrika.