4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 2 , 2023
Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay Jubbada Hoose
 

Jimco, Juun 2, 2023 (HOL) - Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 5-aad ee guutada 16-aad iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay howlgalada qorsheysan ka sameeyeen ciidamada iskaashanaya ayaa kala ah Yaaq dabeyl, Sariiraha, Qudus, Barja iyo Aboodinka oo ahaa dhamaantood deegaano ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in deegaanada howlgalada laga sameeyay ay ciidanka ku burburiyeen fariisimo iyo gabaadyo ay kooxda ku laheyd deegaanadaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliye Carab in mudadii uu socday howlgalka in ciidamada ay gubeen gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Cabdiraxmaan Gaagaale.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland horay uga sameeyay marar badan howlgalo noocaan oo kale ah oo ay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Jubbaland.